FAAH FAAHIN: Heegan la geliyey ciidamada Soomaaliland

Shir jaraa’id ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan Ee soomaaliland ayey uga hadleen sida loogu diyaar garoobay doorashada dhawaan dhaceysa.

Taliyaha guud ee ciidanka waxa uu sheegay in heegan la geliyey Askarta si looga baaqsado weeraro & Arbushaad la geliyo inta doorashada lagu jiro.

Waxay sheegeen in Madaxda Xisbiyada iyo taageerayaasha looga baahan yahay in dhankooda ka qeyb qaataan Amniga lagala shaqeeyo.

Dhinaca kale maanta waxaa ololaha doorashada sameenaya Xisbiga mucaaradka UCID.

Gudoomiyaha Xisbigaasi iyo Saraakiisha kale waxay sheegeen inay udiyaar garoobeen doorashada dhawaan dhaceysa.

31 Bishaan oo ku beegan Isniinta waxaa ka dhacaya Deegaanada Soomaaliland Doorashada Goleyaasha Deegaanka.

You might also like More from author