Faah faahin: Dhul gariir Ku dhuftay Saaka Waddanka Shiinaha

Waxaa Dhul gariir uu ku dhuftay saaka Oo Arbaco aheyd qeybo ka mid ah Dalka Shiinaha,iyadoo warar hordhac ah iminka soo baxayaan.

Dhul gariirka oo cabirkiisu ahaa 5.4 ayaa ku dhuftay deegaanka Ba’ijeengi oo ku yaalla Gobolka jiyaanjiyaangi uygor.

Hay’adaha Cilmiga Dhulka qaabilsan waxay sheegtay in daqiiqado kooban la dareemay dhul gariirka,lana sii ogaa.

Lama soo tebin khasaaro ka dhashay dhul gariirkaasi hayeeshee dhismayaal inay dumeen ayaa sawirro lasoo qaaday ay muujinayeen.

You might also like More from author