FAAH FAAHIN: 10 Qof Oo Lagu Toogtay Dukaan Weyn Dalka Mareykanka

Kudhawaad 10 Qof ayaa ku dhintay kadib toogasho ka dhacday Dukaan ku yaalla Magaalada Koloraado Ee dalka Mareykanka.

Dadka la toogtay waxaa ku jira Sargaal katirsan Ciidamada Booliska,iyadoo muddo xaalad cakiran ay ka jirtay Goobta.

Toogashada ayaa ka dhacday halka Loo yaqaano Buldher oo ah Goob Dukaamada Ganacsi ay ku badan yihiin.

Dableyda falka fulisey ayaa baxsaday iyadoo weli aan la aqoonsan .

Ciidamada Amaanka waxay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan Falka dhacay iyo kooxda ka dambeysay ay maxkamad soo istaajin doonaan.

You might also like More from author