Faafahin ka soo baxeysa qarax Ka Dhacay Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara kala duwan geeystay oo ka dhacay duleedka magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa mid culus oo laga maqlay inta badan deegaanada udhaw magaalada kismaayo ayaa waxa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa jubbaland

Xamarpost oo xogag ka helay qaraxa ayaa si gaar ah qaxaraxu waxa uu kaga dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Cabdalla Biroole iyo magaalada Kismaayo Fariisimo ay ciidamada daraawiishta jubbaland ku leehiin Halkaasi

Al-shabaab ayaa warar ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay guulo kaga sheegteen weerarkaan

Waxaana ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyeen ciidamada maamulka jubbland islamarkaasna ay askar badan kaga dileen

waxaana halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday 10 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka muratdiinta.

Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxaan ay ku dhinteen 6 askari oo ka mid ahaa ciidamada daraawiishta jubbland  halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhaawacyadodoa loola cararay cisbitaallada magaalada Kismaayo.

Warka kasoo baxay al-shabaab ayaa sidookale lagu sheegay in askarta dhaawacantay uu ku jiro sarkaal taliye Horin ah oo lagu magacaabo Xuseen Daahir Maxamed oo loo garan ogyahay (Caga-weyne) kaas oo la socday gaariga la qarxiyay.

You might also like More from author