Ergo ka kala socota Ruushka iyo Ukraine oo lagu wado in goor dhaw ku kulmaan dalka Belarus.

Wakiilo ka socda dalka Ukraine ayaa tagay magaalo ku taala xadka Belarus halkaasoo qorshuhu yahay inay kula kulmaan wakiilo ka socda dalka Rushka.

Wararku waxay sheegayaan in wakiiladda ka socda dalalka Ukraine iyo Rushka oo yeelanaya wadahadalada nabadeed ay hadda ku sugan yihiin halka la qorsheeyay inuu kulanku ka dhaco.

Si gaar ah ergada labada dal ayaa uga arrinsanaya sida xal looga gaari karo dagaalka maalinta 5,aad galay ee dalka Ukraine ka socda.

Dawlada Belarus ayaa shalay ku dhawaaqday inay qabanayso wada hadaladaan nabadeed si colaada loo dhameeyo.

Ajandaha ugu weyn ee kulankaan ayaa ah in xabadda la joojiyo ciidamada Rushka dib xaduudahooda ugu laabtaan sida laga soo xigtay xubno ka tirsan ergada Ukraine matalaysa.

Xukuumadda Ukraine oo horey u diidanayd in wada hadalkaan Belarus lagu qabto ayaa markii dambe ogolaatay.

You might also like More from author