Ergeyga Gaarka ee UNHCR u Qaabilsan Africa oo RW Rooble La kulmay.

Wakiilka Gaarka ah ee Hay-ada  QM u qaabilsan Qaxootiga Africa, Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdishu.

Danjire Afeey ayaa la kulmay Reysl-Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusen Rooble oo ku qaabilay Xafiiskiisa.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay Arrimo u badan Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya ee Dhadhaab , Xagar Dheer iyo Iffo.

Kenya ayaa horay u sheegtay Dhawr jeer in ay xiri doonto dhamaan xeryaha Qaxootiga  ee ay Ku jiraan Soomaalida kasoo Carartay Colaada Dalka .

Soomaali Badan ayaa badankood tagay Xeryaha Qaxootiga Dalka Kenya bilowgii sanadka 1990 Xiligaas oo ay Bilowdeen colaadihii Sokeeyo ee Dalka.

You might also like More from author