Duqeyn culus oo ka dhacday degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe

deqeymo diyaaradeed ayaa ka dhacay degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee Jubbada dhexe ayaa sheegaya in ay ka dhaceen dhowr duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal oo aan wali la ogeyn dalka laga leeyahay.

Diyaaradaha ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay beegsadeen saldhig ay Al-shabaab ku leyhiib Bu’aale iyo xarumo kale oo ay Jilib kaga sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Saldhigga Bu’aale ee duqeynta lala beegsaday ayaa la sheegay in dhiamsho iyo bur bur lagu garsiyay xubnihi Al-shabaab ee halkaasi ku sugnaa.

Halka Jilib lagu waramayo in lagu dilay saraakiil la tilmaamayo in xogtooda la hayaay lana bartilmaameedsaday.

Saraakiil si dhaw ula socday duqeymahaan ka  dhacay  kana tirsan Howgalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa waxay KNN u sheegeen in xubnaha Al-shabaab si guud duqeymihii xalay looga dilay ku dhawaad labataan xubnood oo sarakiil iyo dagaalamayal isugu jiray.

Sidaan oo kale ayaa Todobadkii hore waxaa diyarado dagaal nuuca aan duuliyaha laheyn ah waxay duqueyn ka geysteen degmooyin ka tirsan Gobalka Jubbada dhexe.

Jubbada dhexe ayaana ah gobolka Kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan  Al-Shabaab, mana jirto marka duqeymaha laga reebo dagaal toos ah oo Al-Shabaab lagula galo gobolkaas iyo deegaano kale oo ay Al-shabaab maamulaan.

Mudo badan ayuuna Gobolkasi Jubbada dhexe ku jira xalaadda nuucan ah oo dadka ku nool yihiin kuwo u dhibaateysan amarada Al-shabaab iyo duqeymaha lala beegsado ee diyaaraduhu geystaan, kuwaas oo shacabka ay waxyeelo joogtaa ka soo gaarto.

You might also like More from author