Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Ciyaaraha oo dhagax dhigay Waddada hor marta Stadium Muqdisho

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Duqa Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay Waddada hor marta Tuulada Ciyaaraha Dalka ee Stadium Muqdisho.

Waddadan ayaa isku xirta Isgoysyada Ifka Xalane iyo Cali Kamiin,waxaana ay qeyb ka tahay dib u dhiska lagu wado Waddooyinka Muqdisho.

Khadiija Maxamed Diiriye, wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u dhiska waddadan ay qeyb ka tahay dib u dayactirka ku socda Garoonka Stadium Muqdisho.

Waxaa ay sheegtay in Dhallinyarada ay baahi badan u qabaan Garoonkan oo dhamaan qaabili kara ciyaaraha kala duwan ee laga ciyaaro dalka.

Duqa Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in dib u dhiska Garoonkan ay muhiimad gaar ah u leedahay Dhallinyarada Muqdisho oo uu sheegay in baahi badan u qabaan.

Garoonka Stadium Muqdisho ayey dowladda Soomaaliya kala wareegtay Howlgalka AMISOM sanadkii la soo dhaafay,waxaana Garoonkaas hadda ka socda dib u dayactir ay wadaan shaqaale Ajannabi ah.

You might also like More from author