Dowladda Turkiga oo War kasoo saartay Qaraxii Hoteelka Naasa hablood

Dowladda Turkiga ayaa war deg deg ah kasoo saartay Qaraxii shalay lagu hoobtay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka Naasa Hablood2.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in uu ahaa Qaraxaasi mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay Shacab oo aan waxba galabsan.

Dowladda Turkiga ayaa ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda.

Warka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxaasi.

Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in xukuumadda Turkiga ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay,waxaana ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxii ugu weynaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaana uu sababay dhimashadda ku dhawaad 400 oo qof.

You might also like More from author