DOWLADDA TURKIGA OO CAMBAAREYSAY QARAXII MUQDISHO.

War qoraal ah oo ay soo saartay wassaaradda arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa  si kulul waxaa loogu Cambaareeray Qaraxii Shalay ka dhacay maqaayad ku dhaw Degedda Muqdishu.

Dowladda Turikiga yaa sheegtay in ay ka xuntahay Qaraxaasi iyadoona u taxsiyeesay dhamaan Ehelada dadkii qaraxaasi ku dhintay.

Turkiga ayaa ka midaa dowladdaha taageera Soomaaliya isagoona door muhiim ah kaga jiro Kaalmada Soomaaliya ay ka hesho Caalamka.

Qaraxaan oo lala beegsaday Maqaayadda Luul Yamani ee Xamarjajab ayaa sababay khasaaro isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyeed.

Waa markii labaad ee maqaayaddaan uu qarax ka dhaco.

BY: MOHAMED YAHYE JINOW

You might also like More from author