Dowladda Somaliya oo mamnuucday Qashinka lagu shubo gudaha Garoonka Aadan Cadde

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mamncuuday qashin la sheegay in lagu daadiyo gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed ayaa lagu mamnuucay in qashin lagu daadiyo gudaha Garoonka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in ay soo baxday kaddib markii ay kordheen walaaca laga qabo qashinka ku sii kordhaya gudaha Garoonka Aadan Cadde,waxaana warqaddan lagu amray Wasaaradda Gaadiidka,AMISOM, iyo Qaramada Midoobey xafiisyadooda in ay u hoggaansamaan.

Ogeysiiska la siiyay Hay’adaha deggan Aadan cadde ayaa lagu wargeliyay in qashinka lagu daadiyo gudaha Garoonka oo caafimaad darro iyo bad baado xumaba u keenayo dadka iyo degaanka.

Waxaa lagu ogeysiiyay dhamaan daneeyayaasha deggan Aadan Cadde in laga billaabo 1da Bisha july ee sanadkan aan la oggoleyn in qashin nooc kasta lagu daadiyo gudaha Garoonka Aadan Cadde.

You might also like More from author