Dowladda oo Magdhow ka bixisay Dadkii lagu dilay dagaalkii Ciidamada dowladda

Dowladda Soomaaliya ayaa magdhow hordhac ah ka bixisay dadkii ku dhintay dagaal maalin ka hor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya,Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa gaaray Xaafadda Haanta dheer ee Degmada Dayniile halkaas oo ay Ciidamada dowladda kuwada dagaallameen.

Mas’uuliyiinta dowladda ku jira ee goobta tagay islamarkaana lacagtaasi bixinayay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi,Sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid,Jen Yusuuf Indha-cadde iyo Jen Laba Afle.

Dowladda ayaa sheegtay in lacagahaas ay horudhac u yihiin Magdhowga iyo Diyayada dadkii ku dhintay weerarkii Sabtigii ka dhacay Xaafadda Haantadheer ee Degmada Hodon.

Ugu yaraan 9; ruux oo dhinacyada dagaallamay ah iyo dad Rayidka ah ayaa ku dhintay dagaalkaas,waxaana uu sababay Barakac,iyada oo markii dambe ay ku baxeen xilliga uu dagaalkaas socday.

You might also like More from author