Dowlada Suudaan oo ka Carootay Safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Masar

Xog gaara oo ay heshay Warbaahinta Xamarpost.com ayaa sheegeysa in Dowlada Suudaan ay ka carootay Safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Dalka Masar.

War ka soo baxay Madaxtooyada dalka Suudaan ayaa lagu amray inay joojiso hawlaha ay ka wado Khartuum Safaarada Soomaaliya, waxaana lagu wargeliyay in wada hadal lala galo madaxda Soomaaliya ay ku xirnaan doonto hawlaha safaarada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Casuumaad ka helay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al bashiir, waxayna ka wada hadli doonaan arintan culus oo mugdi galisay xiriirka labada dal.

Dowladaha Suudaan iyo Masar ayaa cadaawad xoog leh ay u dhaxeysaa,waxaana arintaasi ay saameysay Soomaaliya oo labada dalba saaxiib dhow la ah.

You might also like More from author