Dowlada Soomaaliya Oo la Soo wareegtay Maamulka Hawad Sare Oo Ay ku jirto hawad Somaliland

Dawlada Soomaaliya waxay bilowday inay la wareegto maamulka hawada sare oo ay ku jirto hawada Somaliland. Waxaana magaalada Muqdisho laga bilaabay rakibaada qalabkii hawada lagu maamuli lahaa – Sida uu Sheegay Warbaahinta wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad.

Arrintan ayaa waxay noqonaysaa mid kasoo horjeeda heshiiskii Istanbul ee Somaliland iyo Soomaaliya kaasi oo ahaa in labada dhinac (Waa Somaliland iyo Soomaaliya e’) ay si wada jir ah u dhisaan guddi maamusha hawada.

Maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintan.

 

Xamarpost.com

Xafiiska Muqdisho
[email protected]

You might also like More from author