Dowlada Somalia oo War kasoo saartay Haweeney Ajnabi ah oo Muqdisho lagu Afduubtay

Dowladda Federaaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in haweeney u dhalatay Dalka Germany xalay lagu afduubtay Magaalada Muqdisho.

Afhyeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dabagal ku sameeyeen Kooxda afduubka u geystay haweeneydaas islamarkaana gaarigii lagu afduubtay laga helay Xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodon.

Haweeneydan waxaa ay u shaqeyneysay Hay’adda ICRC,waxaana ay ahayd kalkaaliso Caafimaad,Dowladdu waxaa ay sheegtay in Afduubkan ay geysteen ilaalada Hay’adda ICRC.

Xarunta ugu weyn Hay’adda ICRC ee Switzerland,ayaa war ka soo baxay lagu cambaareeyay afduubkan sidoo kalena lagu xaqiijiyay.

Hay’addu waxaa ay sheegtay in Gabadhan ay muddo labo todobaad kaliya joogto Muqdisho una tagtay halkaas caawinta dadka Soomaalida ah.

Dowladda ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo Afduubka gabadha loo geystay islamarkaana Ciidamada amaanka ay ku howllanyihiin sidii gabadhaas loo heli lahaa.

You might also like More from author