Dowlada Mareykanka oo ka Hortimid In Ciidanka Danab loo Adeegsado Dagaalka Guriceel.

Kadib Dilkii Taliyahii  Ciidanka Danab ayaa waxaa jira xiisad xoogan oo ka dhalaty iyadoo uu  Taliska AfRICOM ee Dowlada mareykanka U qaabilsan  Howlgadalada Ciidan ee Africa ayaa waxaa soo baxaya warar ku aadan in uu Mareykanka uu ka fiirsan doono dhamaan Taageerada uu Siiyo Ciidamada Soomalaiya.

Ciidanka Danab ayaan u Tababarnay dagaalka Al-shaab keliya balse   Mareykanka  ma ogola in ay ka qeyb qaataan wax ka baxsan Dagaalka Al-shabaab ayaa lagu yiri Warka Kasoo baxay Africom

Sida lagu helayo warar hoose Taliska Ciidamada Mareykanka u Qaabilsan Africa ee Africom loo soo gaabiyo ayaa ku hanjabay in ay joojin doonaan dhamaan taageerada ay siiyaan Ciidamada Danab ee Mareykanku Soomaaliya U tababaray.

SIDOO Kale Genral odowaa Yuusuf Rage ayaa lagu eedeeyey masuuliyada dilka Taliyii ciidanka Danab ee Qeybta Galmudug  ABDILADIF Feyfle maadaama uu bixiyey amarka ay Ciidanka Danab ku galeen Dagaalkaasi

Cidanka danab ayaa waxaa Tababara Dowlada Mareykanka isla markaana bixiya Mushaarka ciidankaasi Iyadoo ay Dowlada Mareyknaka ugu Talagashay Ciidanka danab keliya Dagaalka Al-shabaab ay Dowlada Soomaaliya KULA Jirto.

Dowlada mareykanka ayaa horay u diiday  isku dayo dhawr jeer ay ku dooneysay in Danab ay ka midnoqdaan dagaalo aan aheyn midKA Al-shabab ay dowldu kula jirto waxaana ka midaa Dagaalkii muqdishu ku dhexmaray ciidamo taageersan Farmaajo iyo kuwa BADBAADO QARAN kuwasai oo kasoo horjeeday Muda korarsiga labo sano Madaxweyne Farjaamo baarlamaanka u sameeyey.

Geerida Taliye Fetfle ayaa hadda dhalisay Suaale ku aadan cida amartay in ay ku biiraan Dagaalka guriceel maadama uu mareykanka Ahlu suna u arko urur awood leh oo uu adeegsan karo cirib tir ka Al-shaabab balse iyaga aan urur argagaxiso a heyn.

You might also like More from author