Doorasho maanta ka dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa maanta la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

labo kursi oo kala ah HOP#067, iyo HOP#43 waxaa horay uga kala fadhiyay Xuseen Iidow iyo Cadow Cali Gees,waxaana kursiga HOP#067 ku tartamaya Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Fareey, Janeraal Gacmadulle iyo musharax kale.

Balse kursiga HOP#43 ay ku tartamayaan Xuseen Iidoow iyo musharax uu isaga wato, iyada oo la filayo in uu ku guuleysto Xuseen Iidow kursigaas.

Kursiga HOP#067 ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagneyd cabasho, iyada oo musharrixiin uu kamid yahay taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare ay sheegeen in laga hor istaagay u tartamida kursigaas, isla markaana Ergada laga dhigtay Ciidamo iyo dad aan Soomaali aheyn.

You might also like More from author