Doorashada kursigii ugu dambeeyay Golaha shacabka oo maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta lagu qabto doorashadda Kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in maanta la qaban doono kursigii uu ka geeriyooday allaha unaxariiste Bootaan Ciise Caalin.

Waxaa ku tartami doona Musharaxiinta kala ah Maxamed Cilmi Afrax ( mideeye) iyo musharax Cabdulahi Faarax wehliye.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey ayaa faahfaahineysa Jadwalka maanta ee Doorashada.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashadda ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan dhuusamareeb ku sugan Ergadii doorashadda.

Si Kastaba Waxaa hadii la soo doortay Xildhibaanka Buuxinaya Kursigan ay noqoneysaa in la soo dhameystiray ugu danbeyn Kuraastii ka banaaneyd Golaha Shacabka ee 4ta eheyd, kuwaas oo ay ku soo guuleysteen, Maxamuud Siraaye, Fatxi Siciid Xasan iyo Nuur Iiidoow Beyle.

You might also like More from author