Doorashada Kuraas Golaha Shacabka ah oo maanta lagu wado in ay ka bilaabato Boosaaso.

Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa in magaalada Boosaaso ay ka bilaabato doorashada 16- kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee BFS, maadama Guddiga maamulka doorashada Puntland ay shalay shaaciyeen jadwalka doorashada kuraastaas.

Sidoo kale, Guddiga ayaa doorashada kuraastaan u asteeyay in ay qabteen labo maalmood oo ay ka bilaabaneyso maanta, inkastoo doorashada kuraastaan 16 ka ah loo saadaalinayo musharixiin ay magacyadooda guddigu shaaciyeen shalay.

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyay islamarkaana magaalada dhexbartamaheeda lagu dhex arkayo ciidamada ammaanka oo gaaf wareegaya.

Doorashada kuraastaan ayaa lagu wadaa in lagu qabto Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, Iyadoo ay jirto cabasho iyo dood ay qabaan musharixiinta qaar taas oo la xiriirta ammaanka goobta iyo Ergada wax dooraneysa.

You might also like More from author