Doon & Markab isku dhacay Bangaladesh oo 26 Qof Ku dhinteen

Inta la xaqiijiyey 26 qof ayaa ku dhintay shil labo doon isku dhacay ah oo maanta webi ku yaalla Dalka Bangaladesh ka dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Doonta ay ku dhacday Markab nuuca xamuulka qaado xilli doonta ay ka gudbeysay Webiga lagu magacaabo Shitalaqya.

Inkabadan 100 qof ayaa la socday Doonta oo rakaab ahaa,kuwaas oo xalay kasoo baxay Degmada Narayangaan oo 16km Koonfur uga beegan Magaalada Dhaka Caasimada Bangaladesh.

Meel keliya ayaa 21 Qof meydkooda laga soo qaaday,waxaana socota howlgal bad baado loogu sameenayo dad kale oo laga yaabo in biyaha ku hoos jiraan.

You might also like More from author