Diyaarad Sidday Meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Kasoo Degtay Muqdisho

Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka so degatay diyaarada siday meydka Allaha u naxriistii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxda qaranka iyo musuuliyiin kale ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka qeyb galaya salaada janaasada ee marxuumka, iyadoona  aas Qaran haatan loo sameynayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan garoonka, iyadoona haatan salaada janaasada lagula tukanayo.

Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo da’diisu tahay 83 sano jir.

Meydka
Meydka

You might also like More from author