Diyaarad Siday Talaalka Covid19 Oo Maanta Ka Degtay Kismaayo

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa Maanta geysay Magaalada Kismaayo Shixnad ka mid ah talaalka loogu talo galay ka hortegida Covid 19.

Diyaarad ka baxday Muqdisho ayaa waxay Ka degtay madaarka Sayid Maxamed Cabdulle Ee Kismaayo,waxaana Talaalkaasi la sheegay in lasiin doono dadka si loo xakameeyo Faafinta Cudurka Coronavirus-ka.

Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Mursal Xaaji Khaliif ayaa sheegay inay gudoomeen Talaalka ay Soo dhiibtay Dawlada Dhexe,isagoo sheegay inay dadka ugu baaqayaan in la qaado Talaalka.

Wasiirka ayaa diyaarada Waday talaalka ka raacay Muqdisho sida aan xogaha ku helnay iyadoo kadib Gaadiid looga daabulay Agabkaasi markii Diyaarada ay ka degtay Garoonka Kismaayo.

Kismaayo iyo deegaanada kale Ee Jubbaland muddooyinkii dambe Cudurka dadka uu soo ridanayey ayaa aad ubadnaa,waxaana jira mas’uuliyiin katirsanaa Maamulka Degmada Kismaayo Oo Cudurkaasi udhintay.

You might also like More from author