Diyaarad Addis Ababa ka baxday, kuna jeeday Nairobi oo bur burtay

Diyaarad ay la socdeen 157 qof oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhacday Koofurta Magaalada Addis ababa.

Diyaaradda ayaa ku sii jeedday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, waxaana Nambarkeedu ahaa B-737-800max.

Waxa ay Duullimaad joogta ah ka sameyn jirtay Addis Ababa iyo Nairobi, waxaana ay ku dhacday Magaalada Bishufto ee koofurta Caasimadda Addis Ababa.

Diyaaradda ayaa wadday 149 Rakaab ah iyo 8 Shaqaale ah, illaa hadda lama xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay diyaaraddaasi bur burtay.

Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa markii ugu horreysay baahiyay Warkan, waxaana kaddib faah faahisay Warbaahinta Dowladda Itoobiya ee FANA.

You might also like More from author