Dil ka dhacay Xaafad ka tirsan Magalada Muqdisho

Rag hubeysan ayaa Goordhow waxaa ay Suuqa Siinaay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee ah kuwa qaada Cansuurta.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka inay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay oo ay gacanta ku hayaan.

Sarkaal la dilay ayaa Wararka waxaa ay intasi ku darayaan in uu ahaa Sarkaalkii  Canshuurta ka qaadi jiray Suuqa Siinay, balse Maanta lagu toogtay Suuqaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah.

You might also like More from author