Diiwaangelinta musharixiin u tartameysa kuraas oo ka bilaabaneysa Garoowe
Guddiga Maamulka Doorashada Puntland ayaa maanta lagu wadaa in ay diiwaangeliyaan msuahrixiinta u tartamaya doorashada lixda kursi ee ka harsan xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland.
Kuraasta maanta musharixiinta loo diiwaan gelin doono ayaa waxaa ka mid ah Hop#198, Hop#199, Hop#191, Hop#073, Hop#221,Hop#129.
Doorashada lixda kursi ayaa la qaban doonaa 18 Maarso oo ku beegan maalinta beri, sida ay horey u sheegeen guddiga doorashooyinka Puntland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in muran uu ka taagan qabashada doorashada kuraasta kala ah Hop#198 iyo Hop#199.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay guddiga u qareemayaasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha fursadsiinta Haweenka ku metelaya Puntland labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba doorka Haweenku ku leeyihiin Puntland.