Diiwaangelinta kuraas Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Gaalkacyo

Maanta oo sabti ah Guddiga maamulka doorashada Galmudug ayaa bilaabay diiwaangelinta Musharixiin ku tartameysa kuraas deegaan doorashadooda ay tahay Magaalada Gaalkaco ee Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga ayaa diiwaangeliyay musharixiin dhowr ah oo u taagan u tartamida kuraas saddex ah, kuwaas oo ka mid ah kuwa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Kursiga koowaad ee HOP#038, waxaa isku diiwaangeliyay oo ku tartami doona musharixiinta kale ah Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Ambassador Dhabancad) iyo Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe),

Sidoo kale, Kursiga 2-aad ee Hop#095, waxaa isna isku diiwaangeliyay musharax Maxamed Siciid Faarax, waxaanaajira musharixiin dhowr ah oo u taagan doorashadiisa kuwaa oo lagu wado in ay qaataan shahaadada Musharaxnimo ee kursigaas.

You might also like More from author