Digniintii udambeysay oo loo diray Ciidamada Yuhuuda ee weeraray Al Aqsa

Ra’iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta, Mohammad Shtayyeh ayaa si adag uga hadlay isku dhacyada ka soo cusboonaaday Bariga Magaalada Qudus, isagoona digniin adag u jeediyay Maamulka Israel.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in cawaaqib xun uu ka dhalan doono wixii ka dhacay Masaajidka Al-Aqsa iyo dadka Falastiiniyiinta ee guryahooda xoogga looga rarayo.

“Waxaan Israel dusha u saarayaa masuuliyadda ah dhibaatada soo gaartay dadkii ku cibaadeysanayay Masaajidka barakeysan ee Al-Aqsa, waxaana uga digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta weerar noocaasi ah, gaar ahaan isku dayada ku aaddan in dadka laga raro Sheikh Jarrah, dadkaasi oo horey u lahaa dhulkaasi.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Shtayyeh.

You might also like More from author