Dibadbaxyo rabashado wata oo ka bilowday dalka Tunisia.

Tunis: Dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhan ah m/weynaha dalka Tunisia ayaa ka bilowday caasimada dalkaas ee Tunis.

Dad caraysan ayaa xiray wadooyinka qaar ee caasimada iyo magaalooyin kale waxaana ay banaanbaxyadaan bilowdeen saacado kadib markii m/weyne Kays Sayid uu kala diray baarlamaankii iyo xukuumaddii dalkaasi.

War madaxtooyada Tunisia kasoo baxay ayaa lagu sheegay in baarlamanaanka iyo xukuumaddaba loo kala diray kadib markii wax laga qaban dhibaatada xanuunka Karoona oo dalkaas aad ugu faafaya.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay m/weyne Kays inuu doonayo in talada wadanka uu afgambi ku qabsado.

Afhayeenka baarlamaankii lakala diray ee Tunisia Rashiid Kanuushi ayaa sheegay in dalku xaalad adag galay badbaadana u baahanyahay.

You might also like More from author