Dhul gariir saaka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Shiinaha

Dhul gariirkaan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Dalka Shiinaha iyadoo Koonfur Galbeed xuduuda meel udhaw Dalka Myanmar ayuu gaaray dhul gariirkaasi.

Waxa la sheegay in cabirka dhul gariirkaasi uu gaarayey 7.3 qalabka rekter iskeylka,iyadoo aroortii hore ee saakoo sabti ah la dareemay.

Ilaa seddex qof ayaa dhintay waxaana dhaawaca uu gaarayaa 27 qof sida ay tebisey wakaalada wararka shinwaa.

Qiyaastii kun kilo mitir ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeeshay dhul gariirka,waxaana dadka ay cabsi xoogan dareemeen Magaalada maduuwa.

You might also like More from author