Dhufeysyo Xalay Mucaaradka Dawlada Ka sameysteen Isgoyska Fagax

Sida ay Xamar Post usheegeen dadka deegaanka waxaa xalay Caro tuur iyo dhufeysyo ciidan lagu arkay Isgoyska Fagax Ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa Mucaaradka ayaa buux dhaafiyey halkaasi iyagoo watay gaadiidka dagaalka.

Caro badan ayey ku jareen Waddooyinka muhiimka ah,waxaana ciidankaasi la sheegay inay hoostagaan Cali Xuubeey iyo Korneel Saneey Cabdulle.

Fagax ayaa Axadii labo cisho ka hor laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan,balse ma jirin is rasaaseyn halkasi ka dhacday.

Waxay ciidankaan qeyb ka yihiin Askar ka tirsan Meliteriga oo ka timid sida la sheegay Gobolka Sh/Dhexe islamarkaana ka gadoodsanaa muddo kordhinta Hay’adaha dawlada loo sameeyey.

Weli Ciidamada Dawlada Mucaaradsan ayaa lagu arkayaa Aagga Isgoyska Fagax Ee degmada yaaqshiid,inkastoo aysan dadka wax dhibaato ah kala kulmin askartaasi.

You might also like More from author