Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Roob ka da’ay Magalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay roobka guga oo xalay ilaa Shalay gelinkii dambe ka da’ayay Xaafadaha kala duwan ee Magalada Hargeysa.

Roobkaas oo watay biyo daadad ah ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday ilaa Shan ruux halka Sagaal kale ay ku dhaawacmeen.kuwaas oo dhamaantood ka mid aaha dadka ku nool Magalada Hargeysa.

Inta badan Gobolada dalka Soomaaliya aya markii uu ka da’o Roobka guga waxa uu geystaa khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed,waxaana gurmad kala duwan sameeya Maamulada deegaanada uu roobka ka da’o iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.

You might also like More from author