Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Boosaaso

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday, halka toddoba kalena ay ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Makhaayad Shaaxa lagu eebiyo oo ku taalla Bartamaha magaalada, sida ay noo sheegeen Goobjoogeyaal.

Kooxaha gurmadka deg dega oo gaaray goobta ayaa qaaday dadka uu dhaawaca soo gaaray, iyadoo la geeyay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso oo hore meesha lagu sii diyaariyay, waxaana makhaayada marka uu dhacayay ku shaaxayay Dhalinyaro badan.

Lama oga cidda gaar ah ee lala beegsaday, balse mas’uuliyadda weerarkaasi waxaa sheegtay Kooxda Al-shabaab.

Laamaha ammaanka Puntland weli faah-faahin kama bixin qaraxan galabta ka dhacay Boosaaso.

You might also like More from author