Dhiibidda Qalbi Dhagax kuwo kale ayaa ku xiga, Itoobiya oo aarsaneysa dagaalkii Siyaad Barre

Sarkaal saroo ka tirsan Haya’dda Nabad Sugidda Soomaaliya ( NISA) wuxuu ii sheegay war aan moodayay faataa dhug, fogayn  waxaan isku qanciyay ‘’khayr beeluhu ma wuxuu moodayaa adigoo cumrigaan ku jira inauu hunguri kaaga jiro Nabad Sugidda oo wuu kaa fogaysanayaa , warkiisa dhag uma dhigin laakiin hadana waxaan sii dhuujistay taxadarkaan ku jiray tan iyo 91 kii .

Sarkaalku wuxuu igu yiri Madaxaaga Malyuun la hubo ayuu joogaa , waliba in lagu khaarajiyo lama doonayo ee waxaa la rabaa in lagu geeyo Addis kadibna lagugu qaado wixii aad gaysatay markaad ‘’Siyaad Barre ‘’ u shaqaynaysay , intaan ka carooday hadal xumadiisa ayaan ku iri adigu haddaad u shaqayso ……….. .. anigu Soomaali ayaan u adeegayay , wax-aqoonka cadawga waxaan ahaynna waligay birtaydu ma solin , dhuumasho aan ku jiro haattan laakiin kama xumi waxaan gaystay waliba shisheeye u gaystay.

Sarkaalkan oo aanan magaciisa sheegistiisu igu adagtahay wuxuu iisoo diray maalin kadib markii la dhiibay C/Kariim Qalbi Dhagax  liis ay ku qoran yihiin ragga ay Xabashidu doonayaan in nolol loogu keeno ee aan loo khaarajin , wuxuu iiga soo diray email gaar uu u leeyahay waxaan iri Adeeroow gacaliye warkaan waa culus yahay ee iiga soo dir Email kaaga NISSA , isagoo huba inaan haybtiisa marna sheegayn ayuu yeelay iina soo diray Ragga ku qoran waxaa ka mid ah Qalbi-Dhagax ,  oo lagu sheegay inuu yahay Nafta ku hartay Ururka ‘’ Argagaxisada’’ ah ee ONLF , haddii ninkaas nolol lagu soo dhiibo waxaa loo ballan qaaday qofka fulinaya hawshaas oo ka tirsan NISSA Madaxdeeda inuusan xilka haysan doono inta uu rabo .

Emailkan waxa laga masaxay ciwaanka sargaalka diray

Xukuumadda Soomaaliya , Madaxwaynaha . Golaha Wasiiradda iyo inta badan Xildhibaanada Dalka waxay ka yihiin Raalli in Muwaaddin Soomaali ah waliba ka mid ah Ciiddanka Qalabka Sida ee Soomaaliya , waa ciiddanka dartood loogu doortay Madaxwayne Farmaajo inuu noolaynayo , in loo dhiibay Xabashida halaaggeena u taagan.

Aamusnaanta Golayaasha Dalka , waxay ka dhigan tahay Dawladda Soomaaliya waxay isku raacday in cadaw arxan daran loo gacan galiyo Sarkaal Soomaaliyeed oo Xooggii Dalka ka mid ahaa walina ka mid ah mar haddaanay jirin xeer ka eryay xubinimadiisii Xoogga Difaaca Qaranka .

Maxadwayne Farmaajo waxaa Alle mahaddiis ah in  lagu doortay rabitaan Shacab ,wuxuu lumiyay hankii loo qabay , wuxuu gacan cadaawe galiyay Sarkaal Xoogga Dalka ee uu maalintii Ciidda ahayd u sheegayay inuu ugu yimid Jacayl uu u qabo , hasa ahaattee dhaawacoodii inuu xabashi ku maamuuso xeerarka Adduunka u yaalla oo dhanna baal maro , waa khiyaano Qaran oo aan qiil lahayn.

Iskama eedaynayo  Madaxwaynaha ee xogta aan helay kana helay dad war gal ah Madaxwaynaha ayaa ogolaaday kana ogolaaday dullaaliintii doonaysay inay ku fadhiyaan kursi umaddu leedahay markay raali galiyaan cadawga 1 aad ee umaddu leedahay .

Dhiibista Sarkaalkan ka tirsan Xooggii Dalku lahaan jiray C/Kariim Sheekh Muuse waxay ka dhigan tahay inay Dawladda Soomaaliya ka tanaasushay Dhulalka maqan ee Soomaali Galbeed iyo NFD una aqoonsatay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhulkaas dad Shisheeye oo aan Soomaali ahayn .

Xiirane (NSS 1976-1991)

[email protected]

You might also like More from author