Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu la’yahay Koofur Afrika

Saddex wiil oo Soomaali ah ayaa lagu la’yahay degaanka Soweto ee dalka Koofur Afrika kuwaas oo markii dad ugu war dambeysay la dagaallamayay koox burcad Koofur Afrikaan ah.

Degaanka Soweto ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka billowday boob ay geysanayeen Burcad koofur Afrikaan ah.

Boobka ayaa shalay ka billowday markii Ganacsade Itoobiyaan ah iyo qof Koofur Afrikaan ah oo wax ka iibsanayay ay isku dhaceen waxaana ay horseedday in Burcadda boob ka geysato Soweto oo halkaas lagu boobay dukaamada dadka Ajaanibta ah sida Soomaalida, Itoobiyaanka iyo dadka la midka ah.

Waxaa kale oo jira dad Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay intii ay iska difaacayeen Burcadda kuwaas oo la dheegay in uu ka mid yahay qof Oday ah.

Wiilasha la la’yahay ayaa taleefan kula hadlay saaxiibadooda iyaga oo sheegay in Dukaankooda lagu soo jebinayo iyagana ku jiraan is difaacid waxaana ilaa hadda laga warheyn halka ay ku dambeeyaan.

Booliska Koofur Afrika oo inta badan aan si rasmi ah uga jawaabin weerarrada dadka Soomaalida ah loogu geysto dalkaas ayaa sheegay in ay baaris ku sameeynayaan boobka loo geystay dukaamada ajaanibta.

You might also like More from author