Dhakhaatiir ajnabi ah oo la afduubtay

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in Labo dhakhtar oo ajnabi ah laga afduubtay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ragga Afduubka geystay ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay dilaan Ilaaladii la socotay dhaqaatiirta.

Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa, mashruuc ay dawladda Kenya dhakaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.

Warar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta loo tallaabiyay dhanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka.

You might also like More from author