DHAGEYSO: Xukuumada Soomaaliya Oo Amar Soo Saartay

Kadib kulan Muddo Afar Cisho ah ka socday Magaalada Jowhar ayna soo qaban qaabisey Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa lasoo gaba gabeeyey.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid Macalimiinta iyo Maamulayaasha Iskuulaadka loo qabtay si loo dar dar geliyo Baahinta Barnaamijyada waxbarashada iyo sidii loo gaarsiin lahaa meelaha Baadiyaha Ah.

Agaasimaha Wasaarada Waxbasharada Dalka uqaabilsan Waaxda Farsamada Dadban C/casiis Nuur Maxamed ayaa sheegay in Loo baahan yahay meel marinta waxyaabihii lagu heshiiyey inta Shirkaasi uu socday.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Maamulka Hirshabelle Amiin Mukhtaar Axmed ayaa sheegay in Mashruuca Bar ama Baro uu dhawaan ka furmi doono Deegaanada Qaar Gobolka Sh/Dhexe si gaar ah Jowhar iyo Mahadaay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author