Dhageyso: Xukuumada oo xeer usameneysa shirkadaha gaarka loo leeyahay

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka socday Dawlad Gobolleedyada iyo Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaas oo la sheegay in looga hadlay qaabkii loo gaarsiin lahaa Biyo nadiif ah Dhamaan Gobollada Dalka.

Yuusuf Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha guud Ee Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha HirShabelle oo ku hadlayey Magaca Dawlad Gobolleedyada ayaa codsaday in laga wada shaqeeyo qaabkii biyo nadiif ah loo gaarsiin lahaa Bulshada.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Daahir Cabdi Cabdullaahi Dr Goo ayaa sheegay in dhawaan xeer nidaamiye la diyaarinayo oo ay Dawlada dhexe iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay dhanka biyaha ka shaqeeya uwadaagi lahaayeen Howlaha.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author