DHAGEYSO: Xukuumada oo dhiseysa cusbitaalka weyn ee Dhuuso mareeb

Xubnahaan uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin (Gureey) ayaa kormeer kusameeyey goobaha Caafimaadka ee lagu daweeyo bukaanada Degmada Dhuuso mareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in dib udhis iyo qalabeyn caafimaad lagu sameyn doono cusbitaalka weyn Ee Dhuuso mareeb,baahiyaha kale ee adeegada Caafimaadkana Galmudug laga taageeri doono.

Wafdigaan ka socday Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in si gaar ah looga war qabi doono,bukaanada uu soo rito Caabuqa covid 19.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author