DHAGEYSO: Xildhibaanadii Laga Mamnuucay Baarlamaanka Oo Hanjabay

Iyadoo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu soo saaray Liiska 15 Xildhibaan oo shanta Kulan Ee Uhoreysa Baarlamaanka Laga mamnuucay inay xaadiraan ayaa waxa ka jawaabay Arintaasi Xildhibaanada Loo diiday Fadhiyadaasi.

C/rashiid Maxamed Xiddig Oo Liiska lasoo saaray qofka 11aad ahaa ayaa sheegay in Maxamed Mursal & Kuxigeenkiisa 2aad Mahad Cawad ay ka dambeeyeen Arintaan balse aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin,awoodna u laheyn in baarlamaan wakhtigiisa dhamaaday shaqada uga joojiyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Wasiirkii Hore Ee Shaqada Xukuumada hadana ah Xildhibaan Sidiiq Xersi Warfaa oo dhankiisa ku jiray Liiska lasoo bandhigay ayaa ku goodiyey in Gudoomiye Mursal Sharciga la tiigsan doonaan ku tagrifal Awood uu isticmaalay awgeed.

Xildhibaan Sidiiq Warfaa ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin Xasaanadii ay Lahaayeen in dano gaar ah loo adeegsado in lagu fushado oo mamnuucis lagu sameeyo shaqadoodii.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Fadhigii Shalay Baarlamaanku ku yeelan lahaayeen Muqdisho ayaa buuq iyo fowdo kusoo dhamaaday iyadoo xildhibaanada qaarkood diideen in muddo kororsi loo sameeyo Hay’adaha Dawlada sidaasna kulankii uu uqabsoomi waayey.

You might also like More from author