DHAGEYSO: Xildhibaan Yiri “Gudoomiye Mursal Muddo Kordhin inay jirto ayuu noo sheegay”

Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxay xildhibaanada udireen fariin ah in maanta kulan mooshin doorashada ah kusaabsan uu jiro.

Waxaa xildhibaanada diidan Muddo kororsiga ay sheegeen in hore Gudoomiye Mursal ugu sheegay hadii uu fashilmo shirka Afisiyooni in ay qaban doonaan mooshin muddo kordhin ah.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya kana soo horjeeda in dalka Farmaajo awood kusii joogo ayaa xalay saqdii dhexe sheegay inay fariinta loo soo diray tahay mid hab sharci ah kusaleysneyn.

Xildhibaanka ayaa xitaa sheegay inay og yihiin qorshe Kulanka maanta loogu diidi doono in Mudanayaasha qaar hadlaan oo ay afkaartooda mooshinkaasi ka dhiibtaan.

Isha ayaa lagu wada hayaa waxa dhici kara kulanka maanta Golaha Shacabku leeyihiin,iyadoo ay ciidamada dawlada xireen waddooyinka gala Madaxtooyada Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author