Dhageyso: Xasan Sheekh Maxamuud oo kajawaabay Hadalkii xalay Farmaajo

Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Eedeynta Dawlada Soomaaliya ka timid ee ah inay qeyb ka yihiin Ababaulka dagaal ee ka jira Caasimada Muqdisho.

Xasan sheekh ayaa beeniyey inay jirto warka sheegaya in colaad ay udur baan tumanayaan,isagoo taasi badelkeeda sheegay in nabada iyo xasiloonida ku baaqayaan.

Hogaamiyaha Xisbi siyaasadeedka UPD Xasan Sheekh ayaa ku Eedeeyey Dawlada Muddo xilleedkeeda dhamaaday in iyadu ka dambeyso barakaca ka jiray Saacadihii lasoo dhaafay Xamar isagoo ciidanka ugu baaqay inaan siyaasad loo adeegsan.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisad siyaasadeed iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jireen maalmihii dambe Magaalada Muqdisho.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author