DHAGEYSO: Xasan Daahir Aweys “Farmaajoow Walaaloow Nimankaan Ha Isku Bacdaadin”

Maxbuuska Mudada sanadaha uxiran Dawlada Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka iyo Doorashada muranka ku jirto.

Xasan Daahir ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu hadda wajahayo xaalad adag sida uu kaga sariigan lahaana ay ku adkaan doonto.

Waxa uu Sheegay in Farmaajo kaga digayo inuu sahal ka dhigto Golaha Bad baado Qaran ay ku dhawaaqeen Khamiistii Deni,Madoobe,Murashaxiinta Mucaaradka Qaar iyo Golaha Siyaasiyiinta Soomaaliland kasoo jeeda.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in loo baahan yahay Farmaajo in labo daran mid dooro ay kala doorsiin doonto maadaama ay yihiin Raggaan isbaheysiga ku dhawaaqay kuwii Siyaad Barre Dawladiisii Afgembiyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author