DHAGEYSO: Xarunta Madaxtooyada HirShabelle Oo Halis Ku Jirta

Xarunta uu ku shaqeeyo Madaxtooyada HirShabelle Ee Magaalada Jowhar ayaa Halis ugu jirta in uu saameyn ku yeesho Fatahaad uu sameeyo Webiga Shabelle.

Waxaa socda Dedaalo lagu doonayo xirista goobaha Jiinka webiga uu kar kaarada jabin karo iyadoo Goobaha uu saameyn karo ka mid tahay madaxtooyada HirShabelle,hadii Fatahaada dhacdo.

Gudoomiyaha Degmada Jowhar Cusmaan Mukhtaar ayaa sheegay in ay dalbanayaan in lala soo gaaro jawaanada Caro tuurka ah si looga gaashaanto Fatahaado ku dhufta Halkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ka codsaday Dawlada Federaalka iyo Maamulka HirShabelle inay il gaar ah ku eegaan Xaalada Ka jirta Gobolkaasi oo laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameyn karo Webiga.

Xilliyada uu fatahaada sameeyo webiga Shabelle ayaa la sheegaa in waxyeelo kasoo gaarto Dallagyada Beeraha.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author