DHAGEYSO: Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo ka hadlay Arinta…

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay Qorshaha Maxaabiista soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku xiran waxa qorshe uga degsan Wasaaradiisa.

Wasiirka ayaa sheegay inay marnaba ka seexan doono soo deynta maxaabiista,iyadoo laga fekirayo sida ay ukala dembiyo yar yihiin oo soo deyntooda looga shaqeyn doono.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa barta kulanka Clubhouse iyadoo su’aalo lagu weydiinayey waxa uu soo hadal qaaday arimaha la xiriira maxaabiis ku xiran dalka cumaan uu sheegay in howshooda lagu jiro lana soo deyn doono.

Xukuumadii Hore uu hogaaminayey xasan cali Kheyre ayaa dhowr dal kasoo deysay Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalkana dib loogu soo celiyey.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author