Dhageyso: Wasiirka Amniga Oo beeniyey inay weerar ku yihiin Saadaq Joon

Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale oo xalay saqdii dhexe saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Dawlada dooneyso beegsi gaar ah ay ku sameyso General Saadaq Joon.

Wasiirka waxa uu sheegay inaysan hadda dooneyn in la weeraro Xaafado shicib deggan yihiin iyadoo yoolkeedu tahay soo qabashada Sargaalkaasi dhawaan xilka laga qaaday,waxaana uu uga digay dad uusan magac dhabin inay joojiyaan iska hor keenida Shacabka iyo Ciidanka.

Hadalka Wasiirka Amniga Dalka ayaa kusoo aadaya xilli Xalay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemay Xaafada Shiirkole Ee Degmada Hodan,halkaasi uu fadhiisin ka sameystay General Saadaq Joon oo ciidamo badan watay,ayna garab istaageen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo ay isku heyb yihiin.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

You might also like More from author