Dhageyso: Wasiir Khadiijo Oo Amar ku Bixisey In Deg Deg Loo…

Iyadoo ay bilaabatay Ugurmashada Dadka ay Abaarta ku saameysay Gobolka Gedo ayaa Dawlada Federaalka waxay sheegtay inay deg deg ubilaabanayaan Xal uhelida Abaarta.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay Gudigooda ay amreen Maamulka Gobolka Gedo sidii Biyo Dhaamin loogu sameyn lahaa dadka kusugan deegaanada qeylo dhaanta ka timid.

Wasiir Khadiija ayaa sidoo kale sheegtay inay Dawlada Soomaaliya mar kasta ku dedaaleyso udhego nuglaanshiyaha dadkeeda si loo caawiyo.

Wafdi ka socday Dawlada Federaalka ayaa shalay deeq Lacag ah oo gaareysay 100 Kun Dollar ku wareejiyey Gudiga ka hortega Abaaraha Ee Gobolka Gedo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author