DHAGEYSO: Wasiir Katirsan Puntland oo weerar afka ah ku qaaday Md Farmaajo

Kulan ka dhacay Garowe ayaa waxa ka hadlay Wasiiro katirsan Puntland iyagoo si qoto dheer uga waramay hanaanka Xisbiyada iyo sida ay uga go’an tahay doorasho dimoqraadi ah dalka loo gaarsiiyo.

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in loo baahan yahay Doorasho dalka ka dhacda oo lagu tartamo cidna kursiga aysan islaheysiinin.

Ugu dambeyn Wasiirka Haweenka Puntland Aamina Cusmaan Xaaji ayaa sheegtay inay wax lagu farxo tahay in dadka ay soo doortaan hogaankooda lagana gudbo hanaanka beelaha la isku soo xulo.

Puntland oo la dhisay 1998-dii ayaa ah Maamulkii ugu horeeyey Ee Soomaaliya yeelato nidaamka Federaalka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

You might also like More from author