DHAGEYSO: Wasiir Dubbe “Puntland & Jubbaland Shirka Hakusoo Biiraan”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe oo Galabta Shir jaraa’id ku qabtay Xerada Afisiyooni ayaa ka hadlay waxyaabaha kasoo baxay Shirkii Maanta Furmay.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Kulankaas ay xaadireen Madaxdii uu Casuumay Madaxweyne Farmaajo marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland.

Muddo lix saacadood ah ayaa shirkaasi hordhaca ahaa uu dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Maamulada taageersan.

Wasiirka ayaa sheegay inay yadadiilo ka qabaan in Shirka kusoo biiraan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni,maalmo inuu sii socon doono ayuuna shaaciyey.

Dawlada Soomaaliya waxay sheegtay in ay Doorashada Dalka aado wax badan oo xal ubaahana ay diyaar u yihiin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA WASIIR DUBBE

You might also like More from author