DHAGEYSO: Wasiir Beyle oo mar kale Shacabka weydiistay Dhaqaale

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa fariin muuqaal uu soo duubay waxa uu kaga hadlay sida ay Dawlada ugu baahan tahay dhaqaale ay shacabka Soomaaliyeed ku taageeraan.

Waa markii labaad oo Wasaarada Maaliyada codsato tabarucaad dhaqaale,24-kii bishii April sanadkaan ayuu wasiir beyle si cad usheegay in sagxada uu gaaray dhaqaalaha dalka oo hoos udhacay.

Baaqa cusub ee C/raxmaan beyle ayaa ah inuu shacabka dal & dibad ku dhaqan ay ka dalbanayaan taageero maaliyadeed oo Dawlada lagu kabo si hay’adaha Qaranka loogu socod siiyo shaqadooda.

Hadalka Wasaarada Maaliyada ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dalal dhowr ah oo Soomaaliya ka caawiya bixinta Mushaaraadka iyo kabida hay’adaha kala duwan Ee Dawalda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author