DHAGEYSO: Wasiir Beyle Oo Dacwo Ka Ah Mas’uuliyiin Xafiiska Ugu Tega

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Xilgaarsiinta C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay Culeys uu kala kulmo dad uusan magac dhabin oo xafiiskiisa ugu yimaada si ay lacag uga helaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkaais yihiin kuwo sifo sharci daro ah ku doonaya in wasaarada Lacag usiiso balse isaga uu ka diiday.

Wasaarada Maaliyada ayaa sheegtay in dib uhabeyn badan lagu sameeyey waaxyaha kala duwan ee wasaarada islamarkaana howsha sidii ugu wanaagsaneyd usocoto.

Wareysigaan uu Wasiir Beyle bixiyey ayuu sheegay in Hanaanka Deyn cafinrta Soomaaliya meel fiican la gaarsiiyey Caalamkana uu aaminay Nidaamka dakhli ee Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

You might also like More from author